Marka ardaygu ka baxay dugsiga sare, su’aasha ugu horreysa ee maskaxdiisa kusoo dhacda waa “Jaamacaddee ayaan galayaa?” Waa go’aan noloshaada mustaqbalka saameyn toos ah ku yeelan kara, maadaama jaamacaddu tahay halkii aad xirfadahaaga, fahamkaaga, iyo yoolkaaga nolosha ka dhisan lahayd. Waxaa jirta halbeegyo badan oo lagu qiimeeyo jaamacad, hase yeeshee, doorashada saxda ah waxay u baahan tahay is-falanqeyn dhab ah, xog-ururin, iyo faham buuxa oo ku saabsan waxa aad nolosha ka rabto iyo halka aad rajo ka qabto inaad gaarto.

Marka aad dooranayso jaamacad, waa muhiim inaad si cad u qeexdo hadafkaaga waxbarasho iyo mustaqbal. Dadka qaarkood waxay jaamacad u galaan inay helaan shaqo degdeg ah oo dakhli fiican leh, halka kuwa kalena ay mudnaan siiyaan cilmi-baaris, aqoon dhammaystiran, ama fursado caalami ah. Haddii aanad fahmin sababta aad jaamacadda u rabto, waxa suuragal ah inaad doorato mid aan ku habboonayn hadafkaaga.

Jaamacadaha gudaha dalka waxay leeyihiin faa’iidooyin ay ka mid yihiin in ay u dhow yihiin qoyska iyo deegaanka aad ku kortay, kharashkoodu uu hooseeyo, iyo in ardaygu si dhaqso ah ula qabsado hab-nololeedkooda. Sidoo kale, waxaad heli kartaa taageero bulsho, isfaham luqadeed, iyo xiriir la fududaan kara. Laakiin dhibaatooyinka laga yaabo inaad la kulanto waxaa ka mid ah agabka tacliimeed ee xaddidan, kuliyado aan tayo buuxda lahayn, ama barnaamijyo aan la jaanqaadin suuqa shaqada caalamiga ah.

Dhanka kale, jaamacadaha dibedda waxay bixiyaan fursado ballaaran, sida manhajyo casri ah, qalab waxbarasho oo heer sare ah, macallimiin khibrad sare leh, iyo fursado cilmi-baaris oo lagu kobcin karo aqoonta ardayga. Waxaad sidoo kale baranaysaa luqado cusub, dhaqammo kala duwan, iyo hab-dhaqan la xiriira shaqooyinka caalamiga ah. Laakiin arrintaasi waxay la timaadaa caqabado sida kharash badan, kala fogaansho qoyska, la qabsiga degaan cusub, iyo weliba shuruudo adag oo deeq waxbarasho lagu heli karo.

Marka la eego dhinacyadan oo dhan, ardaydu waa inay tixgeliyaan dhinacyo kale oo muhiim ah sida: jaamacaddu ma leedahay aqoonsi rasmi ah? Barnaamijyada ay bixiso ma la jaanqaadaan suuqyada shaqada ee maanta iyo kuwa mustaqbalka? Halka jaamacaddu ku taallo, xaaladdeeda amni, iyo nolosha guud ee ardaygu la kulmi doono ma tahay mid u fududaynaysa waxbarashada mise waa mid culays dheeraad ah keenaysa?

Waxaa kale oo muhiim ah in ardaygu eego tayada kuliyadda uu rabayo, maxaa yeelay mararka qaar jaamacad caan ah kama dhigna in dhammaan kuliyadeedu yihiin kuwa ugu fiican. Waxaa jira jaamacado leh kuliyado gaar ah oo aad u tayo fiican, laakiin qaybaha kale aan lahayn heerkaas. Sidaas darteed, waa muhiim in la barto qiimeynta barnaamij kasta si gaar ah, halkii la eegilahaa jaamacadda guud ahaan.

Waxaa sidoo kale jiro arrimo kale oo saamayn weyn ku yeelan kara doorashada, sida deeqaha waxbarasho. Inaad hesho deeq waxbarasho buuxda ama nus ah waxay si weyn hoos ugu dhigtaa culayska dhaqaale, waxayna kuu ogolaaneysaa inaad diiradda saarto waxbarashada. Qaar badan oo ka mid ah jaamacadaha dibedda iyo xitaa qaar gudaha ah ayaa bixiya deeqo la tartami karo, haddii aad si wanaagsan isugu diyaariso. Intaa waxaa dheer, jaamacaduhu waxay bixiyaan adeegyo taageero ah sida talo-bixinta ardayda, hagida xirfadaha, iyo fursado internship ama tababarro la xiriira xifdadaada.

Ugu dambeyn, waxaa aad muhiim u ah in ardaygu la tashado dad khibrad leh – macallimiintii hore, arday jaamacadeed, ama xirfadlayaal ka tirsan shaqooyinka uu hiigsanayo. Qirashada in aanan wax walba ogayn waxay fure u noqon kartaa inaad hesho talooyin faa’iido leh oo kaa caawin kara go’aanka saxda ah. Waxaa kale oo muhiim ah in la sameeyo cilmi-baaris internetka ah oo lagu ogaanayo qiimeynta jaamacadaha, aragtida ardayda hore, iyo xogta furan ee laga heli karo bogagga rasmiga ah.

Go’aanka aad maanta qaadato wuxuu si toos ah ugu xiran yahay halka aad noloshaada berri gaarto. Waxaa dhici karta inaad heshay jaamacad caan ah, laakiin aan kuu habboonayn, ama mid aan caan ahayn balse si gaar ah adiga kugu habboon. Marka aad jaamacad dooranayso, ha u eegin magaca iyo muuqaalka kaliya; u eeg baahidaada, yoolkaaga, iyo waxa adiga kuu wanaagsan.

Mustaqbalkaaga tacliimeed iyo kan xirfadeed labaduba waxay ka bilaabmaan go’aankaas. Haddii aad si qoto dheer u fikirto, talo fiican hesho, cilmi-baaris ku filan samayso, una diyaar garowdo safar tacliimeed adag, waxaad heli doontaa jaamacad kugu habboon oo kuu noqota dariiqa guusha. Doorashada saxda ah waa tallaabada ugu horreysa ee horumarinta naftaada. U qaado si kalsooni leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *